 |
Ku soo dhawaada Somaliawatch, maanta waa
|
Cawke oo BBC da u Guryo Noqdey! |
(02-06-2008) Wariye
Axmed Xasan Cawke ayaa ka dib muddo sanad ka yar markii
uu kasii maqnaa laanta afka Soomaaliga ee BBCda waxaa
hadda mar kale usoo guryo Nodey Idaacadaasi oo la wada
xasuusanyahay faaladii dhliilaha iyo eedaymaha qaawan
huwan ee uu kasii daayey markii uu ku biirey Idaacadda
kale ee VOA qaybteeda Afka Soomaaliga ku hadasha.
Sida la xasuusanyahay Axmed Xasan Cawke ayaa dhawr iyo
sagaashankii idaacadda BBCdii ku biirey isagoo markaa
Qaxooti ku ahaa dalka Ugaanda tan iyo markii uu ka
cararey magaalada Muqdisho sanadkii 1991kii , waxaana la
rumaysanyahay in ku biiristiisa BBCda uu dowr ku lahaa
madaxa laanta afka Soomaaliga ee Xiligan Yuusuf Garaad
Cumar oo markaa saaxiibtinimo dhaw lalahaa madaxii hore
ee idaacaddaasi Maxamed Cabdulaahi Xasan.
Dad badan oo markii horeba maqaalo xanafaeysan ka faafin
jirey Yuusuf Garaad ayaa waxa ay cuskadeen faaladii uu
Cawke ka jeediyeye VOAda markii uu ku andacooday in uu
wayey meel uu hibada uu ilahay siiyey uu kusoo bandhigo
saasna uu u doortay in uu kasoo tago BBCda, laakiin waxa
ay arintaasi beenoowdey markii ii wariyaha rugcadaga ahi
uu wax cusub uu kusoo kordhin wayey idaacadii uu ku
biirey ee VOA oo faraha kasaartay Maykarfoon furan iyo
sacaddo badan. waxayna taas markii danbe ku qasabtay in
Cawke uu todobo bilood uun ka dib uu ka Huleeley dalka
mareykanka isaga iyo saaxiibkiisa ay isku lamansanayeen
Cabdi salaan Ibaraahim Herari iyagoo markaas sheegay in
ay London ka maarmi wayeen kuna biiri doonan TV ga cusub
ee Raad oo aan wali hawada soo galin, iyagoo sida
muuqatana u adkaysan wayey shaqdii adkeyd ee taalay
laanta Afka Soomaaliga VOAda.
Haatan oo uu wariye Axmed Xasan Cawke mar kale dib ugu
galgalyoodey Yuusuf Garaad oo uu shalay si cad u
dhaleecayey uguna tilmaamay in uu yahay nin aan ogaleyn
in dadku soo bandhigaan hibadooda ilahay ugu deeqay oo
ay wax cusub ku soo biiriyaan Idaacadda, uu maanta si
laab furaan ah ugu soo dhaweyey Axmed Xasan Cawke
Maykarafoonka BBC da , ayaa waxaa ay tahay su'aasha
hortaal saaxibadeenii qalimada Sumaysan noogu sheegi
jirey in Yuusuf Garaad yahay nin qabyaaliste ah, ama ku
caan baxay aar goosi ama shaqsi la dirdir iyo gooni baar,
waxaa aan haynaa mid ka mid ah markhatiyaal badan oo
daaha ka qaadaya in ay eedaymaha noocaasi ahaayeen kuwo
ay ka danbeyaan Qalimaan danleey oo lahaa hadaf Beeleed
iyo mid nacayb shaqsi iyo xaasidnimo gaamurtay.
Markhaatiga kale oo aan ku lamanin karnona waxaa weeye
in ay BBCda kusoo biireen dhawr wariye oo kasoo tagay
VOAda oo aan ka xusi karno Maxamed Xuseen Shiino iyo
Cabdiraxmaan Caynte oo ayna BBCdu ka codasan in ay
Falooyin ka bixiyaan Hay'adii hore oo ay shaqaynayeen
sidii ay VOA du horey u samaysay markii uu Cawke afkiisa
la baxay.
Si kastaba ha ahatee waxa dhab in maamulka BBCdu uu
marksata tixgalinayo jacaylka iyo rabitaanka
dhagaystaashooda markuu u ogolaadey in uu Wariye Cawke
uu mar kale codkiisii macana dib uga anba qaado halkaasi,
taasoo haddii maamulka idaacadu shaqsi nacayb ku
dhaqaqayso ay ahayd in uu qaadato go'aan kas ka duwanan
lahaa.
Liibaan Ciise
London
UK
liban_ise@hotmail.com |
|
|
 |